”Somalia ayay la safan tahay!” – Go’aanka ay Kenya ka qaadan doonto xukunka Maxkamadda ICJ oo la sii ogaadey! (Dokumentiyo sir ah oo la helay)

0

(Nairobi) 01 Abriil 2019 – Kenya waxay door bidaysey in la gaaro wax lagu sheegay ”xal Afrikaan” xad badeedka u dhexeeya Somalia-Kenya, sida ku cad dokumentiyo uu helay warqaadka Standard.

Maamulka Kenya ayaa ku doodaya in ay ahayd in Somalia ay marka hore arrinta hor dhigto Bariga Afrika ama IGAD, kaddibna Midowga Afrika, haddii ay arrintu xumaato, halkii ay sheekada ka bilaabi lahayd Maxkamadda Caalamiga ah ee International Court of Justice (ICJ) ee Hague, Netherlands.

Kenya ayaa ku andacoonaysa in ay ku wacnayd inay Somalia holliso wax kasta oo xal qaaradeed lagu gaari karo, iyadoo saluugtey Maxkamadda Hague oo ay ku eedeeysay inay u janjeerto dhanka Somalia.

Sida ku qoran dokumentiyada, Kenya ayaa xiriirka Somalia ku sifaysay mataanaha isku dheggan ee  Siamese-ka loo yaqaan, iyadoo sheegtay inay Somalia isku calaf iyo aayo yihiin.

“Labada dal dhaqan oo qura ma wadaagaan, balse Kenya waxay muddo dheer ciyaaraysay door ay ku ilaalinayso danaha dadka Soomaaliyeed ilaa muddo fog,” ayaa dokumentiga ku qoran sida uu sheegay Standard.

Madaxwaynayaasha labada dal ee Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Somalia, Abdullahi Mohamed Farmajo, oo uu dhex galay RW Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa arrinta ka hadlay, waxaana waloow aysan Somalia moowqifkeedii ka debcin lagu heshiiyay in la qaboojiyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay cayrintii danjirihii Somalia ee Nairobi oo ay Kenya ula dhaqantay si ka baxsan maamuuska iyo xeerka diblomaasiyadda caalamiga ah.

Sida ku cad dokumentigan, waxay Kenya ku doodaysaa in sida uu qabo xeerka QM ee dhanka badaha ee United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), ay tahay inay dalalku marka hore isku dayaan xal dhexdooda ah, kahor inta aysan u dacwoonin maxkamad caalami ah, iyadoo marar badan caddaysay inay qaab xeer jajab ah ku doonayso dhul Soomaaliyeed.

Kenya ayaa sidoo kale dokumentigan ku sheegaysa inaysan sharfi doonin go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda ICJ, taasoo sida ay ku doodayso ay dalal badani horay go’aanadeeda ugu gacan sayreen.

Hadalsame Media