DEG DEG: Garoonka dayuuradaha ugu wayn Milano oo la xirey (Sabab?)

0

(Milano) 01 Abriil 2019 – Gegada dayuuradaha Milano ee Malpensa ayaa muddo kooban maanta la xirey kaddib markii uu soo baxay war sheegaya in daroon lagu arkay meel u dhow dhabbayaasha ay dayuuraduhu ku ordaan.

Warka sheegaya in daroonka la arkay ayaa soo dhacay 11am xilliga maxalliga ah.

Deeto taraafikada dayuuradaha ayaa u digey dhamaanba duullimaadyadii soo degi lahaa oo la weeciyey, halka kuwii duuli lahaa dib loo dhigay.

Ilaa 3 duullimaad ayaa loo weeciyey gegada Linate ee isla Milano, halka mid 4-aad loo diray Torino.

Yeelkeede, adeegga ayaa soo noqday 30 daqiiqadood kaddib, waa se markii 2-aad oo garoonkan muddo kooban la xiro, waxayna arrintan oo kale dhacday 3-dii Maarso.

Hadalsame Media