DAAWO: Hindiya oo hawada mar qura u dirtay 29 Satellite + Sawirro (Nooc basaas ciidan ah oo ku jira)

0

(Sriharikota Range) 01 Abriil 2019 – Hay’adda Cilmi Baarista Hawada Sare ee Indian Space Research Organisation (ISRO) ayaa hawada u dirtay  satellite sirdoon ah iyo 28 kale oo howlo kala duwan qaban doona.

Satellite-yadan ayaa gantaalkii sidey waxaa laga ganay Satish Dhawan Space Centre, oo ku taalla gobolka  Andhra Pradesh, saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 9:27am iyadoo ay kala adeegsanayaan ciidamada iyo rayidba.

Satelliteka sirdoonka ah oo uu culayskiisu yahay 436-kilogram (961-rodol) kuna shaqeeya hannaanka EMISAT system ayaa xogo elektaroonig ah siinaya Ciidamada Xoogga Dalka Hindiya, waana markii ugu horreeysey ee ay ciidamadaasi helaan adeeg noocan ah, iyadoo ay dhisaysay hay’adda Daraasaadka iyo Horumarinta Difaaca ee Defence Research and Development Organisation (DRDO) 5-tii sano ee ugu dambeeyay.

Satellite-kan oo ka mid ahaa siraha aadka loo ilaaliyo ee Hindiya ayaa ciidamada dalkaasi ka caawin doona inay akhriyaan raadaarrada cadowga, ogaadaan meelaha ay yaallaan, isla markaana tashwiish ku furaan iyo xogo kale oo dheeraad ah.

Hadalsame Media