War lagu farxo oo kasoo yeerey dhanka Baasaboorka Soomaaliya

0

(Brusells) 01 Abriil 2019 – Waxaa soo kordhay khabar kale oo khuseeya Baasaboorka qaranka Somalia oo uu qiyamkiisu qayb ahaan sare u kacayey sanadihii dambe.

Danjiraha Somalia ee Midowga Yurub Cali Fiqi ayaa arrintan u soo bandhigay shacabka Soomaaliyeed isagoo boggiisa Facebook kusoo qoray:

“Dawlada Belgiumka iyo Luxembourg ayaa aqoonsadey Basaboorada Diplomatikada iyo Kuwa Service- ka ah.”

“Aqoonsigaas oo Maanta ka bilaabanaya ayaa waxaa ku jiro Basaboorada la bixiyey laga soo bilaabo 01/01/2014.” Ayuu daba dhigay Danjiruhu.

Baasaboorka Somalia ayaa noqday mid ka mid ah kuwa ugu qiyam xun caalamka, waloow ay dowladihii ugu dambeeyay ay midba meel soo gaarsiisey, in kastoo aan weli si wadareed loo aqbalin Baasboorka dalka.

Somalia waa dalkii ugu horeeyay ee samaysta Baasaboorka elektaroonigga ah ee e-Passport oo la hirgeliyey xilligii dowladdii AUN C/hi Yuusuf 2006-dii.

Hadalsame Media