”London ayaa Pizza laga dalbadaa kaddibna British Airways ayaa lasoo saarayaa!” – Dowladda Nigeria oo cambaaraysay caqliyad dalkaasi ka jirta! + Sawirro

0

(Abuja) 31 Maarso 2019 – Dad ku nool Nigeria ayaa la sheegay in ay British Airways u adeegsadaan inay  ‘usoo daabusho’ Pizza ay London ka dalbadeen, sida uu ka cowday Wasiir Beeraha dalkaasi.

Wasiir Audu Ogbeh, 71 jir, ayaa sheegay in reer Nigeria ay ‘telefoonadooda Pizza uga dalbanayaan magaalada London’ xilli uu la hadlayay Guddi Hoosaadka Beeraha ee Senate-ka dalkaasi oo uu kula kulmay caasimadda Abuja.

Wasiirka oo arrintaas ku tilmaamay ‘wax laga xanaaqo’, ayaa aad uga walaacey sida waxa uu dalka Nigeria soo degsado ay uga badan yihiin waxyaabaha uu dhoofiyo.

‘Waxay Pizza ka dalbadaan London, waxaa loogu soo qaadaa British Airways iyagoo subixii garoonka doonta,’ ayuu yiri Wasiirka oo sheegay inay ku dadaali doonaan inay jaraan waxyaabo badan oo noocan ah.

‘Nigeria waa dal wax uun soo degsada. Findhicil ayaa sanadkii noogu kaca 18 milyan oo doollar; yaanyada gasacadaysan waxay sanadkii noogu kacdaa 400 milyan oo doollar,’ ayuu ku qayliyey Mr Ogbeh.

‘Ha yeeshee, dambiil yaanyo qeeriin ihi waxay dalkeenna ka joogtaa wax ka yar 2,000 oo Naira. Beeralaydu way khasaarayaan waayo ma halayaan lacag ku filan oo ay ku dhisaan wershado yaanyada gasacadeeya.” ayuu raaciyay.

Afrika ayaa ah qaarad wax kasta Alle ku mannaystay balse aan lahayn camalkii iyo caqliyaddii ay wexeeda ku cuni lahayd, iyadoo dalalka wax uun soo dejiya balse aan wax micne leh dhoofin ay Somalia ka mid tahay, waloow aanu dalkaasi muddo dheer dowlad quman lahayn.

Caasimadda Nigeria ee ABUJA

Hadalsame Media