DAAWO: Ruushka oo soo bandhigay dayuurad ciidan oo nooca xamuulka ah (Duullimaadkii 1-aad oo ay samaysay)

0

(Moscow) 31 Maarso 2019 – Dayuurad muddo la sugayay oo ah nooca xamuulka qaada oo loo farsameeyay ciidamada Ruushka ayaa duullimaadkeedii 1-aad sameeysay.

Dayuuraddan oo la yiraahdo, Ilyushin Il-112V, oo ah dayuurad fudud oo xamuul ah ayaa loogu tala galay inay biddaal u noqoto nooca sii gaboobaya ee Antonov  sida An-26 iyo An-24.

Dayuuraddan casriga ah ayaa ka duushay saldhig ay ciidamada cirku ku leeyihiin ayuu dhererkeedu yahay 24 mitir, iyadoo hawada ku jirtey qaddar dhan 45 daqiiqadood.

Waxay ku duulaysey xawaare gaaraya 250 km/saacaddii iyadoo garoonka dhowr jeer kusoo dul wareegtey kahor intii aysan soo degin.

Hadalsame Media