Bankiyada Kenya oo doonaya inay Somalia maalgashadaan & hal arrin oo u taalla DF oo ay saluugeen!

0

(Nairobi) 31 Maarso 2019 – Bankiyada ugu waawayn dalka Kenya oo faa’iidooyin badan ku dhuftay sanadkii 3-aad oo xiriir ah, ayaa sheegay inay markan indhaha ku hayaan suuqyada dalalka Ethiopia, Somalia iyo Democratic Republic of Congo (DRC).

KCB, oo ah bankiga ugu ballaaran dalka Kenya, ayaa daboolka ka qaaday inuu maalgashanayo dalakaasi Somalia, DRC iyo Ethiopia.

“Waa suuq xadidan balse waxaa socda isbedello. Wada hadal baa noo socda waxaana quud darraynaynaa inay ogolaan doonaan bankiyada Kenya,” ayuu yiri Madaxa Fulinta Joshua Oigara.

Equity Bank, oo xarun isaga ku xiran ku leh dalka DRC, ayaa sidoo kale eegaya suuqyada Somalia iyo Ethiopia.

Gelitaanka baananka Kenya ee suuqyada Somalia ayaa waxaa caqabad ku noqonaya Somalia oo aan weli lahayn qaab dhismeed quman oo diiwaangelineen, taasoo adkaynaysa in la sharciyeeyo qaab loola socon karo lacag tahriibinta iyo maalgelinta argagixisada, sida ay sheegtay Cytonn.

Hadalsame Media