Ka warran haddii Muqdisho DERBI lagu wareejiyo?

0

(Muqdisho) 29 Maarso 2019 – Waxaa gaar ahaan maalmihii dambe aad faraha uga baxay amaanka magaalada Muqdisho oo ay ku dhowaad si joogto ah uga dhacayeen weerarro lagu waxyeellaynayo shacab aan waxba galabsanin.

Haddaba, weriye Maxamed Salaad ayaa keenay hindise ku saabsan in magaalada Muqdisho derbi lagu wareejiyo, wuxuuna soo qoray:

”Waxaan soo jeedin lahaa in Muqdisho derbi lagu wareejiyo kaas oo kasoo bilaabanaya badda oo ku dhamaanaya badda dhinaceeda kale hana loo sameeyo labo Waddo oo kala ah Afgooye iyo Balcad kuwa u baxa.”

Wuu sii hadloo wuxuu keenay hindise yaab leh oo la dhaqan gelinayo dhismaha kaddib isagoo yiri: ”Kaddib derbigaas marka la dhiso magaalada dadka jooga oo dhan halaga saaro macal ciidamada AMiSOM. Guryaha ku yaalla magaalada halla tirakoobo lambar cusubna halla siiyo guri kasta.”

”Ciidamo daacad ah oo la diyaariyay saldhig kasta hala geeyo. Markaas kaddib dadkii magaalada laga saaray oo qof kasta lagu soo baaray wadadii uu ka soo galay magaalada hallagu soo celiyo hana lasiiyo Kaadh aqoonsi (ID Card) cadeynaya qofka uu yahay. Taas waxa ay sahleysaa in la ogaado guri kasta iyo qofka ku nool iyo waxa uu qabto. Wixii markaas ka dambeeya waa arrin ciidan.”

Maxay adiga kula tahay? Soow uma muuqato aragto macquul ah? Ma kula tahay se in magaalo ay 3 milyan deggan yihiin dadka oo idil laga saari karo?

Hadalsame Media