Inter Milan oo laacib wayn keensanaysa haddii uu ka tago Icardi

0

(Milano) 28 Maarso 2019 – Jookarkii hore ee Inter Milan jaalle Diego Forlan ayaa sheegay in Nerazzurri ay ‘u sheegeen’ inay soo iibsanayso qannaaska Atletico Madrid ee Antoine Griezmann haddii uu xagaagan ka tago Mauro Icardi.

Forlan ayaa usoo wada dheeley Inter iyo Atleti, wuxuuna aaminsan yahay in labada naadi uu dhexmari doono wax is dhaafsigii ugu waynaa.

“Haddii uu [Griezmann] sii joogo Atletico Madrid wuxuu noqon lahaa halyeey, balse Inter ayaa iibsanaysa haddii uu ka tago Icardi,” ayuu yiri 39-jirkan oo la hadlayay ESPN.

“Naadiga ayaa arrintaa ii sheegay.” ayuu ku dooday.

Mustaqbalka Icardi ayuu shaki haraynayaa, waloow ay jirto in dhowaan dib loogu soo celiyay safka naadiga, waloow ay koob la’aanta Griezmann ay keeni karto inuu meel kale eego, xitaa haddii aysan Inter hadda ahayn koox koobab lagu cowryo.

Hadalsame Media