”Haddii ay aad Israel dhul la jeceshihiin, siiya labada gobol ee North iyo South Carolina” – Danjiraha Suuriya ee QM

0

(New York) 28 Maarso 2019 – Dalka Maraykanka ayaa haatan wajahaya cambaarayn caalami ah oo kaga imanaysa dhamaanba 14-ka dal ee kale ee ku jira Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Security kaddib go’aankii lala yaabay ee Golan ugu aqoonsaday Israel isagoo sidaa ku jebinaya Xeerka Caalamiga ah.

Sida la iskugu dhiidhiibayay looguna celcelinayay sida ay asaasi u tahay in la ilaaliyo madax bannaanida gayi ee Suuriya, waxaa warkii qaatay Danjiraha Koonfur Afrika u fadhiya QM.

“Go’aankan halka dhinac ihi waxba ka qaban maayo in la gaaro xal waara oo nabadeed oo ka dhaca Bariga Dhexe,” ayuu yiri Jerry Matjila.

Waxaa se ugu hadal kululaa Danjiraha Suuriya u fadhiya QM, Bashar Jaafari, oo Maraykanka siiyay talo wanaagsan haddii uu dhul la jecel yahay Israel, isagoo sheegay inay iska illaawaan Golan Heights oo ay dhul ay iyagu leeyihiin bixiyaan.

”Waxaad siin kartaan North iyo South Carolina, tusaale ahaan, maxaad ku diidaysaan? South Carolina waa dhul wanaagsan… Marka, siiya Israel laba gobol, haddii uu maamulkani doonayo taageerada Israel.” ayuu ku qayliyay.

 

“Haddii ay cidina doonayso inay ku dayato tusaalahan xun, waxaan ku boorrinaynaa inay faraha ka qaaddo dulmigaan dib looga noqonayo xeerka caalamka,” ayuu yiri Danjire Xigeenka Ruushka, Vladimir Safronkov.

Dhamaanba dalalka rigliga ah ee ku jira Golaha Amaanka oo Maraykanka laga reebay sida Shiinaha, Ruushka, UK iyo Farance oo ay wehliyaan 10 dal oo wareegto ah ayaa dhaleeceeyay tillaabada Maraykanka.

Hadalsame Media