RASMI: Boombalaha astaanta u noqonaya Koobka Qaramada Yurub (Euro20) oo lasoo bandhigay! (Xogo kale)

0

(Nyon) 25 Maarso 2019 – UEFA ayaa soo bandhigtay mascot-ka tartanka Euro 2020, kaasoo ah qof loo bandhigay sidii kartuun la yiraahdo Skillzy.

Tartanka Euro2020 ayaa bilaabmi doona Juun 12, isagoo socon doona ilaa Luulyo 12, taasoo ka dhigan hal bil oo gaw ah.

Euro2020 ayaa markii ugu horreeysey lagu kala qaban doonaa 12 magaalo oo waawayn oo Yurub ku kala firirsan oo horay loo doortay.

Isreebreebka Euro ayaa bilaabmay todobaadkan, waxaana markii ugu horreeysey taariikhda soo xaadiri doona 24 xul, halkii ay 16 awal ka ahayd.

Qorshaha magaalooyinka kala geddisan loogu kala qabanayo ayaa qayb ka ah xuska sanad guuradii 60-aad ee kasoo wareegtey bilowgii Koobkan Qaramada Yurub.


Hadalsame Media