Boqollaal arday oo janaaso ku dukadey howlwadeen ka tirsanaa Jaamacadda SIMAD oo saaka qarax lagu diley + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Maarso 2019 – Howlwadeen ka mid ahaa Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho oo saaka ku geeriyooday qarax ayaa janaaso wadareed lagula dukadey isla Jaamacaddaasi.

Ninka uu qaraxu haleelay oo ku joogey gaari ay leedahay Jaamacadda ayaa shilku qabsaday xilli uu marayay qeybo ka mid ah wadada 30-ka ee Magalada muqdisho, waxaana ku geeriyooday AUN Maxamed Jeylaani Abuukar oo ka mid ahaa Shaqaalaha Jaamacadda.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Xuseen Axmed Maxamed oo isna ka mid ahaa Shaqaalaha Jaamacadda, kaas oo dhaawiciisa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho.

Lama oga ujeedka laga lahaa iyo cidda ka dambaysa qaraxaasi lala beegsaday hay’ad waxbarasho iyo sababta ay taasi u dhacday toona, waxaana weerarkaa cambaareeyay dad ay ku jiraan Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo uu tacsiyeeyay Ehelada iyo Maamulka Jaamacadda SIMAD.

Muqdisho ayaa waxaa ka taagan olole indhaha looga ridayo magalaada oo lagu beegsanayo dadka waxgalka ah, waxaana arrintaa iska kaashanaya dad iskugu jira kuwo dool ah iyo kuwo magaalada lafteeda deggan, iyadoo aysan DF ku guulaysanin inay wax muuqda ka qabato amaanka.

Hadalsame Media

Facebook Comments