DAAWO: Muslimiinta New York oo yeeshay ROONDO u gaar ah + Sawirro

0

(New York, NY) 25 Maarso 2019 – Maarso 14, waxay maalin murugo badan sidoo kale u ahayd Muslimiinta magaalada New York City, kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in laba masjid oo ku yaalla  Christchurch, New Zealand, oo u jirta ilaa 15,000 km jamaaco Muslimiin ah lagu laayay, halkaasoo ay 50 ku dhinteen.

Haddaba, dadka Muslimka ah ee ku dhaqan xaafadda Brooklyn sida Mohammad Khan iyo Nazrul Islam waxay kasoo noqdeen shir markii ay warkaa maqleen.

“Waxaan istaajinney gaarigii, meel baan dhignay, waana iska ooyney,” ayuu yiri Khan. “Aniga iyo iimaamku — waan muraara dillaacnay.” ayuu daba dhigay.

Dhowr bilood ayay Khan iyo Islam, oo ah Imaam iyo macallin/maamule Dugsi Qur’aan waxay u ololaynayeen in xaafadda loo sameeyo roondo mutadawacnimo ku dhisan oo ay yeeshaan jaalliyadda Muslimka ah.

Waxaa mubaadaradaas oo iminka hirgashay la yiraahdaa, Muslim Community Patrol & Services (MCPS). “MCPS ujeedka laga leeyahay waa in qolooyinka dembiyada gaysta laga ilaaliyaa dadka degaanka.

Ma aha markii ugu horreeysay oo ay bulsho ka mid ah degganayaasha Brooklyn ay iskood roondo u samaystaan, oo waxaa mid lagu guulaystey horay loogu ogolaaday jaaliyadda Shiinaha.

Hadalsame Media