MW Erdoğan oo arrinta Golan Heights QM la tiigsanaya (Trump oo laga yaabo inuu maanta aqoonsi ku dhawaaqo)

0

(Ankara) 25 Maarso 2019 – Turkey ayaa sheegay inuu QM horgayn doono arrinta la hadal hayo ee ku saabsan inuu MW Maraykanka ee Donald Trump uu Israel u aqoon doono inay iyadu leedahay Golan Heights oo ay 1967-kii dagaal Suuriya kaga qabsatay.

MW Erdoğan ayaa shalay sheegay in warka Khamiistii kasoo yeerey Donald Trump oo ahaa in la gaarey xilligii dhulkan loo aqoonsan lahaa qayb Israel ka mid ah ay tahay arrin ka hor imanaysa Xeerka Caalamiga ah.

Shalay, Wasiir Dibadeed, Israel Katz oo u bogsan warka Maraykanka ayaa soo tweet gareeyay inuu Trump saxiixi doono inay Golan Heights ka mid tahay dhulka ay Israel horay uga xoogtey Falastiin marka uu maanta Benjamin Netanyahu kula kulmo Washington DC.

Warka Trump ayaa soo jiitey cambaarayn caalami ah, sida Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM, dalalka Turkey, France iyo kuwo kale.

wasiir dibadeedka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, oo isla Khamiistii Trump u jawaabey ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida gayi ee Suuriya uu siinayo Xeerka Caalamiga ah.

“Turkey waxay taageersan tahay madax banaanida gayi ee Suuriya,” ayuu Çavuşoğlu soo tweet gareeyay.

Hadalsame Media

Facebook Comments