Kenya oo sheegtay inay heshay dokumenti sir ah oo muujinaya inay Somalia ka been sheegtay baloogyada ay bandhigtay (Daawo)

0

(Nairobi) 23 Maarso 2019 – Kenya ayaa ku andacoonaysa inay heshay dokumentiyo sir ah oo loo dusiyay oo muujinaya in baloogyada ay Somalia soo bandhigtay ay ku jiraan 4 ka mid ah kuwa ”lagu muransan yahay” iibkaasoo hirgelaya Jannaayo 2020, sida ay u tiri.

Kenya ayaa sheegtay in kiiska labada dal ee haatan hor yaalla Maxkamadda International Court of Justice (ICJ) la dhegeysan doono bisha Sebtembar, iyadoo aan laga yaabin inuu go’aan soo boxo bisha Jannaayo.

Somalia ayaa horay ugu doodday in baloogyada ay bandhigtay aanay ka mid ahayn baloogyada 230, 231, 232 iyo 233 oo ah kuwa ay damaacinayso Kenya.

Yeelkeede, Kenya ayaa sheegtay inay heshay dokumenti 21-bog ah oo muujinaya faahfaahin ku saabsan in Wasiirka Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Somalia, Abdirashid Mohamed Ahmed uu hotel-ka London ku yaalla ee Claridges Hotel, kusoo bandhigay 3 ka mid ah baloogyada dooddu ka taagan tahay oo uu iib geeyay, sida ay ku doodayso.

Kenya ayaa u muuqata mid aan ku kalsoonayn go’aanka maxkamadda ICJ, iyadoo marar badan si aan qarsoodi u hollinaysay in ay hesho hab kale oo ay Somalia kula heshiiso qaab xeer jajab ah.

Hadalsame Media