DAAWO: ”Waayaha lagu war la’yahay ee DISCO-gii Somalia!” – The Guardian oo isu raadiyay fanaaniintii hore ee Somalia qaarkood

0

(London) 23 Maarso 2019 – Wargayska The Guardian ee dalkaasi Ingiriiska ayaa warbixin ka diyaariyay fankii Somalia ee beri samaadkii, isagoo meelo kala duwan ugu tegey fanaaniin hore oo Soomaaliyeed.

Wuxuu ka sameeyay dokumenteri yar oo uu cinwaan uga dhigay ”Xumaddii Habeenka Soomaalida: Waayaha lagu war la’yahay ee disco-gii Somalia”.

Waxay xerada qaxootiga Kakuma ee woqooyi galbeed Kenya kusoo waraysteen muusikiistihii Cabdulqaadir Kuuriya, Sweden wuxuu kula kulmay fannaanka Xabiib Sharaabi Xabiib, halka uu Hargaysa ku arkay Sahra Halgan.

Fanaaniintan ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray fanka Somalia, tan iyo markii uu gaarey meeshii ugu sarreeysey ilaa burburkii. Gaar ahaan Xabiib iyo Kuuriya oo aan is arkin tan iyo bilowgii burburkii ilaa haatan.

Fanaaniinta la waraystay oo gocanayay waayihii ay soo mareen ayaa ka wada sinnaa inay jeclaan lahaayeen inuu dib u hanaqaado fanka Soomaaliyeed min gees ilaa gees.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media