Dowladda oo sheegtay in doorashada Galmudug waqtigeeda aysan dhaafi doonin

0

(Muqdisho) 20 Maarso 2019 – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mowqifka dowladdu yahay in doorashada Galmudug waqtigeedii ku dhacdo sanadkaan gudihiisa.

Mr. Sabriye ayaa meesha ka saaray damaca hoggaanka Galmudug ee xaruntiisu tahay Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaana Wasiirka uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray dhismaha maamulka Galmudug iyo khilaafka xiligan u dhaxeeya hoggaanka sare ee Maamulkaasi.

Wasiirka ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal dhowaan ka soo yeeray hoggaanka sare ee maamulkaasi ee ahaa in doorashada la qabanayo saddex sano kadib taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

‘’Annagu waxaa rabnaa in doorashada waqtigeedii ku dhacdo oo ah bisha July ee sanadkan aynu ku jirno, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in doorashada Galmudug waqtigeeda lagu qabto ayaa waxaa taageersan mas’uuliyiinta maamulka Galmudug garabka Cadaado.

Madaxweynaha Muranku ka taagan ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa dhowaan sheegay in doorasahada Galmudug dhaceyso marka la gaaro sanadkan 2021.

Hadalsame Media