Hay’addaha amniga Soomaaliya oo sheegay inay qabteen sarkaal Sare oo Al-Shabaab ka tirsan

0

(Muqdisho) 20 Maarso 2019 – Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho 19kii Bishaan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda al-shabaab ee deegaanka Bariire sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah.

Hawlgalkaan lagu qabtay sarkaalkan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxuuna sidoo kale Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Maxkamadaha ama garsoorka.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay howlgalkaan, hase ahaatee ma jiraan faahfaahin dheeraad ah iyo cadeymo muujinaya sheegashada dowladda.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay warbixino aan mideysnayn oo ka soo baxay hay’addaha amniga dowladda kuwaas oo sheegaya in howlgalo qarsoodi ah oo qorsheysan lagu qabtay xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab.

Howlgaladaan ayaa intooda badan ka dhacay Magaalada Muqdisho asbuucaan gudihiisa taasina waxay ku tusinaysaa in ururka Al-Shabaab xitaa saraakiisha Sar Sare ay ku noolaan karaan caasimadda oo si buuxda gacanta kugu jirta dowladda.

Hadalsame Media