Dayuurad laba maalmood oo is xigta mid shil ka badbaaddey middii xigteyna ku burburtay! + Sawirro

0

(Jakarta) 20 Maasro 2019 – Duuliye aan markaa howl ku jirin, balse saarnaa dayuuradda  Lion Air Boeing 737 MAX ayaa la sheegay inuu maalin kahor ka badbaadiyay dayuuraddii dhacday bishii Oktoobar oo maalintii xigtey isla cilladaasi u burburtay, sida uu qorayo Bloomberg.

Dayuuraddan oo ah moodalka ugu cusub Boeing ayaa ku burburtay Badda Java Sea iyadoo ay ku dhinteen 189 qofood oo saarnaa, kaddib markii uu shaqayn waayay barnaamijka dayuuradda ka caawiya inaysan callaqmin.

Maalinta ay dhacaysey maalintii ka horreeysey ayay dayuuraddan cilladani lasoo gudboonaatey, balse waxaa lagu fakaday duuliye rakaabka ka tirsanaa oo duuliyayaashii tusay habka loo xalliyo cilladaasi iyadoo la adeegsanayo hab gacmeed (manual) dhowr tillaabo ah, halkaasoo shil looga badbaadey, balse isla maalintii xigtey ayay dayuuraddaasi isla cilladdii u burburtay, sida ay shirkaddu sheegtay.

Hannaanka loo yaqaanno MCAS (The Manoeuvring Characteristics Augmentation System), oo ah barnaamij dayuuradda ka caawiya inay sanka sare ama hoos u taagin, si aysan u dhicin ayaa la sheegay inay tahay cilladda riddey laba dayuuradood oo MAX 8 ah muddo 5 bilood gudohood ah.

Waloow uu shilkii dambe ee Ethiopian Airlines uu indhaha caalamka kusoo jeediyay dayuuradda Boeing 737 MAX 8, oo iminka laga saaray hawada dal kasta.

Hadalsame Media