”U adkayso hana XOQIN!” – Siyaasi diidey in furuqa la tallaalo oo furuq ku dhacay!! (Jawaabaha bulshada)

0

(Udine) 20 Maarso 2019 – Siyaasi Talyaani ah oo kasoo horjeestey in tallaalka furuqa waajib laga dhigo ayaa isbitaalka la dhigay kaddib markii uu furuq ku dhacay, taasoo keentay in looga maadsado baraha bulshada.

Massimiliano Fedriga, oo ah barasaabka gobolka Friuli-Venezia Giulia ee woqooyi bari Talyaaniga ayaa lagu camirtay kaddib markii uu sheegay in uu cudurkaa isbitaal u galay.

Siyaasigan oo ka tirsan Lega Nord ee midigta u janjeera ayaa aad u cambaareeyay barnaamijka tallaalka qaran ee Lorenzin decree, kaasoo dhigaya in waajib laga dhigo tallaalka sanadkii 2017-kii.

Yeelkeede, siyaasigan ayaa qorshahaa ku tilmaamay ‘Stalinist,’ ama Shuuciyad, isagoo ku dooday in maamullada gobolladu ay “isbahaysi la samaystaan” qoysaska si ay uga dhaadhiciyaan in ay ilmohooda ka tallaalaan 12 cudur, oo uu furuqu ka mid yahay, kaasoo uu sharcigu dhigayo in tallaalkiisa waajib laga dhigo.

Markii uu siyaasigani ku adkaystay in tallaalka laga dhigo mid aan waajib ahayn, ayaa waxaa loo bixiyay magaca “tallaal diid” ninkan oo markii uu carruurta ahaa aanu jirin tallaalka Furuqu, ayaa lagu xifaaleeyay inuu helay abaalka wixii uu sameeyay, waloow uu horay u ogolaaday in carruurtiisa la tallaalo.

Hadalsame Media