Brexit oo ur u bixi la’yahay & Wasiirad Faransiis ah oo bisadeedda ugu magac dartay!

0

(London) 19 Maarso 2019 – Ra’isulwasaaraha Britian Mrs May ayaa qirtay in UK ay ku jirto dhibaato kadib markii qorshihii ka bixida Yurub uu Baarlamaanku ku diiday.

May waxa ay sheegtay in laga yaabo in dib loo dhigo qorshaha ka bixida Yurub 20 bilood.

Sida qorshuhu ahaa Britian waxa ay ahayd in Yurub ay ka baxdo 29 bishaan aynu ku jirno ee March balse May ayaa la sheegay in aanay la imaan qorshe cad oo baarlamaanku ku qanco.

Midoowga Yurub ayaa hada dhoosha ka qoslaya waxaana ay sugayaan waxa ay Britian la timaado xarunta midoowga Yurub.

Sheekada Brexit ayaa iminka noqotay xitaa mid lagu kaftamo laguna maadaysto oo aan micne wayn ugu fadhiyin shacabka Britain.

Tusaale ahaan, Wasiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Faransiiska ayaa bisad ama mukulaal ay leedahay waxa ay ku magacoowday Brexit.

Arrintan ayay ku tilmaantay in mukulaashu qeylo iyo guryan badan tahay oo illinka taagan tahay markii laga furana aanay baxeyn.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media