Casuumadda uu Özil u gudbiyey Erdoğan oo ciyaar siyaasadeed isu bedeshey (Siyaasiyiin Jarman ah oo dood ka keenay)

0

(Berlin) 19 Maarso 2019 – Marka uu ciyaaryahan casuumad aroos u dhiibo madaxwayne dal, ma kula tahay in la siyaasadayn karo ama uu siyaasi ka caroon karo? Haddaba taasi waxay ka caraysiisey siyaasi Jarman ah.

Helga Braun, oo ah Agaasimaha Xafiiska Chancellor-ka Jarmanka ee Angela Merkel isla markaana ah siyaasi ka tirsan xisbigeeda CDU ayaa warqaadka Bild u sheegay “in uu ka xun yahay” in Mesut Özil, oo haysta dhalashada Jarmanku uu casuumad u diro MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan.

Waalidka Özil ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana la kulankiisa Erdoğan laga dhigay kiis siyaasadeed oo baallaha looga rifo, iyadoo lagu doodayo in Özil uu muhiimadda siiyay dalka uu kasoo jeedo, marka loo eego dalkii uu ku dhashay.

Braun ayaa ku dooday “inuu ka niyad jabsan yahay inay arrintani sii socoto, sida taageerayaasha kale kubadda cagtaba,” ayuu yiri isagoo daba socda kulan uu Özil London kula yeeshay MW Erdoğan.

Braun, oo dhinac marsan qorshaha ay Merkel iskugu dayayso inay caadiyayso xiriirka Jarmanka iyo Ankara oo yara xumaaday sanadkii tegey, ayaa sheegay in waloow uu qirsan yahay in Özil “go’aankan shakhsiyan xaq u leeyahay” uu misna yahay baaq dadban oo dhiirri gelinaya da’yarta asal Turkiga ah ee haysta dhalashada Jarmanka.

“Laacibiintu waa tusaale ay bulshadu ku dayato, iyagoo xitaa ka saamayn ballaaran wasiirrada, marka waxaa imanaysa su’aasha ah: ilaa heerka uu gaari karo iyo waxa u furan qof xiran funaanadda Jarmanka?” ayuu daba dhigay Braun.

Özil, ayaa bishii Luulyo ee tagtay aad loogu cambaareeyay sawir uu la galay isla Erdoğan, isagoo xitaa cunsuriyad darteed uga baxay xulka Jarmanka.

“Waxaan Jarman ahay markii aan badinno, markii nalaka adkaado se waxaan ahay soo galooti,” ayuu yiri markii uu ku dhawaaqayay inuu si rasmi ah uga howl gabayo xulka qaranka Jarmanka.

Hadalsame Media