Goolwalihii qaranka NZ oo ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee Jimcaha

0

(Christchurch) 18 Maarso 2019 – Xiriirka Kubadda Cagta New Zealand Football (NZF) ayaa xaqiijiyay in laacib ka tirsan xulka Futsal-ka dalkaasi, Atta Elayyan uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ahaa ee lagu qaaday Christchurch Jimcihii.

Allaha u naxariistee, Elayyan, 33 jir, ayaa 19 kulan oo caalami ah u saftay xulka  Futsal Whites oo uu goolwale u ahaa.

Goolwalahan oo asal ahaan u dhashay dalka Kuwayt ayaa ku dukanayay masjidka Masjid Al Noor Mosque, oo u dhow Hagley Park, halkaasoo uu kaga mid noqday 50 qofood oo halkaa uu ku khaarajiyay argagixiye lagu magacaabo Tarrant.

Hadalsame Media