Iyadoo toogashadu ka socoto Masjidka dhexdiisa ayuu salaadiisa iska sii watay illaa laga dilay + Sawirro

0

(New South Wales) 16 Maarso 2019Dhimashada dadka Muslimiinta ah ayaa gaartay ku dhowaan 50 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 30 ruux iyadoo wali ay socdaan gurmadka loo fidinayo dadkii dhibaatadu soo gaartay.

Alle ha u naxariistee walaal ka mid ahaa jameecaddii ku tukanaysay Masjidka ayaa kaamiradu qabatay isagoo wali sii wata Salaadiisa xili masjidka dhexdiiisa ay xaaladu aad u cakirneed oo qof walba naftiisa la baxsanayay.

Isagu ma dhaqaaqin ilaa ninka Muslimiinta laayay kana dambeeyay weerarkaan argagixiso uu toogtay. Sawirka marxuunkan isagoo salaadiisa ku jira oo aan dhaqaaqin la toogtay ayaa qabsaday baraha bulshada waxaana dadka muslimiinta ay ku tilmaameen adoon Alle oo imaan adag leh.

Warbixin ku saabsan ninka weerarkan bahalnimo gaystay

Mar qura ayaa lagu baraarugey muuqaal toos ah oo uu Facebook soo dhigay koonto la yiraahdo “Brenton Tarrant 9” taasoo muujinaysa isagoo rasaas la dhacaya jamaacada masjidka Al Noor ee magaalada Christchurch.

Brenton Tarrant ayaa tababare gaar ah oo dhanka jirdhiska ah ka ahaa jiimka Big River Gym ee magaalada Grafton ee woqooyiga gobolka New South Wales, Austalia, sida ay kashiftay ABC.

Maareeyaha Jiimkaasi, Tracey Gray ayaa xaqiijisay in ninka inta kaamirada isku xirey tooska usoo duubay isagoo dad rayid ah laynaya uut yahay Tarrant.

Waxay sheegtay inuu Jiimkaas ka shaqo bilaabay markii uu iskuulka dhameeyay 2009 ilaa 2011, markaasoo uu bilaabay inuu booqashooyin ku kala bixiyo qaaradaha Aasiya iyo Yurub, isagoo xitaa booqday North Korea iyo dalal Muslim ah sida Pakistan 2018-kii.

Ninkan ayaa la sheegay inuu Facebook soo dhigay bayaan 74-bog ah oo uu ugu qiil sameeynayo weerarkiisa waxashnimada ah ee argagixisada ah.

Brenton Tarrant waa 28-jir Australian ah oo NZ uga shaqaynayey tababare gaar ah, isagoo kasoo jeeda qoys faqri ah oo Australian ah.

Maanafeestada uu ninkani qoray ayaa la sheegay inaysan qarsoodi ahayn iyadoo uu xitaa horay u arkay hilin wareedka SBS News, jeer uu Brenton Tarrant sheegayo “inuu si KMG ah uun u yimid New Zealand halkaasoo uu wax ku qorshaynayo kuna tababaranayo” kaddibna waxaa dhacay weerarkii maanta.

Ninkan ayaa bayaankiisa ku sheegay “inuu weerarka u qaadayo si uu uga aarsado kumannaan dhimasho oo ay gaysteen dad dibedaha kasoo duuley”, sida uu ku dooday.

Nin sirdoonka ka tirsanaa sidoo kalena falanqeeya arrimaha difaaca, Dr Paul G Buchanan, ayaa weerarkan ku tilmaamay mid la xiriira “xag-jiriinta midigta fog”, isagoo sheegay inuu xusuusinayo argagixiyihii Norweigan-ka ahaa ee Anders Behring Breivik.

Tarrant oo North Korea jooga
Tarrant oo Pakistan ku sugan sanadkii hore
Tarrant oo ilmo yar ah oo uu aabbihii sare u hayo isagoo yar 1990-kii, waxaa wehlinaya hooyadii iyo walaashii

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji iyo Maxamed Odowa

Hadalsame Media