DAAHA GADAASHIISA: Kooxda Inter Milan oo u kala qaybsantay 3 kooxood oo is dagaalsan (Xog hoose)

0

(Milano) 16 Maarso 2019 – Warar laga helay gudaha qolka lebbiska ee Inter Milan ayaa sheegaya in kooxda Inter Milan ay u kala “qaybsameen 3 qaybood” oo iska soo horjeeda, iyadoo la sheegay in Icardi isku dayayay inuu laacibiinta ka difaaco qaylada badan ee Spalletti.

Icardi ayaan wax kubad ah laadib ama aan xitaa tababaran tan iyo Febraayo 13 oo ku beegan markii laga xayuubiyay kabtannimada kooxda, isagoo jilibka ku marmarsoonaya, jeer ay dhakhaatiirta kooxdu sheegeen inuu dheeli karo.

Warqaadka La Repubblica ayaa haatan oodda ka qaaday warkale oo qarsoonaa, isagoo xiganaya qof ku jira xayndaabka hoose ee kooxda oo u sheegay foowdadka ka aloosan qolka lebbiska ee Inter.

“Midkeenna ma waydiisan Spalletti in kabtannimada laga qaado Icardi,” ayuu sheegay qofkaasi oo uu wargaysku ku tilmaamay Ferenfer.

“Icardi wuxuu ka xanaaqey qaylada Spalletti oo aad u dhaliilayay laacibiinta, wuxuuna ku yiri xaaladda deji, waayo waan guulaysanney loomana baahnayn qaylo” ayuu yiri qofkan oo sheegay inay taasi tahay sababta kabtannimada looga qaaday Icardi, isla markaana uu yahay go’aan ka yimid Spalletti.

“Qolka lebbisku wuxuu hadda u qaybsamay 3 kooxood: Talyaani, South American iyo Slavs. Mauro qof kasta waa isku fiican yihiin marka laga reebo Perisic, Marcelo Brozovic iyo (kabtanka cusub) Samir Handanovic.

“Sidoo kale iskuma fiicna Spalletti. Qaybinta Inter (Balkanisation of Inter), haatan wuxuu marayaa marxalad dabayaaqo ah oo aan dib loo celin karin.” ayuu raaciyay qofkaasi.

Waxaa la aaminsan yahay in colaadda Icardi iyo Perisic, ay salka ku hayso hadal ay tuurtay xaas-wakiilkiisa Wanda Nara oo TV ka tiri “inay xitaa ogoshahay in ay Inter ka qaataan lacag yar haddii uu Icardi helayo karoos fiican.”

Dhibaatada Inter Milan ayaa soo jiitamaysay tan iyo bishii Jannaayo, goortaasoo uu Radja Nainggolan codsaday in uu Roma ku noqdo, halka Perisic uu codsaday inuu Arsenal ku biiro.

La Repubblica ayaa sheegaya in maareeyaha ciyaaraha ee Piero Ausilio uu la safan yahay qolada Slavic-ga ah’ isagoo u diyaar ah inuu Icardi u diro Juventus si uu uga helo Paulo Dybala.

Yeelkeede, madaxwaynaha Inter Milan ee Steven Zhang ayaa la safan Icardi, isagoo u dira farriimo niyad dhis ah si uu laacibku ugu soo noqdo safka kooxda, xitaa isagoo aan kabtan ahayn.

Beppe Marotta, oo isagu dhowaan yimid, ayaa inta badan isku daya inuu dhex dhexaadiyo dhinacyada qaybsan ee is haya.

Hadalsame Media