Xiriirka ka dhexeeya Soomaalida & masjidka la weeraray + Dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday

0

(Christchurch) 15 Maarso 2019 – Soomaalida ayaa la sheegay inay xiriir dhow la lahaayeen Masjidka Al Noor ee ku yaalla magaalada Christchurch oo saaka la weeraray.

Ibraahim Cumar Baafo oo ah weriye Soomaaliyeed oo falkan naxdinta leh BBC-da uga warramay ayaa sheegay in uu hadda ka hor booqday masaajidkaas, yahayna mid ay Soomaalidu maamulkiisa hayso.

“Waxaa masaajidka aad loogu xusuustaa xilligii uu dhul giriirka ka dhacay magaalada Christ Church waxa uu ahaa halkii Soomaalida ay ka fureen jikada cuntada bisil lagu diyaariyo, halkaas oo laga quudinayay dadkii ku waxyeeloobay dhulgiriirka” ayuu yiri Baafo oo hadda ku sugan dalka Australia oo daris la ah NZ oo uu weerarkani ka dhacay.

Warar soo baxaya oo kale ayaa sheegaya in ay dad Soomaali ah ka mid yihiin dadka lagu laayay masaajidka, balse tirakoobka kama dambeyska ah weli lama xaqiijin karo.

Wariye Ibraahim Baafo ayaa yiri “Waxaa la ii xaqiijiyay in ay dhinteen 4 qof oo uu ku jiro wiil yar oo 4 jir ah, aabihiisna uu dhaawacmay”.

Illaa 49 qof ayaa lagu dilay weerar salaadii jimcaha ka hor lagu qaaday labo masaajid oo ku yaala dalkaas si uu xaqiijiyay taliyaha booliiska oo sidoo kale sheegay inay qabteen ilaa 4 qofood oo lala xiriirinayo falkan argagixisida ah.

Dhanka kale, magacyada dadka ay waxyeeladu gaartay oo qaarkood la helay ayaa lagu sheegay macalinka dugsi oo ku yaalla xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi.

Waxaa sidoo kale dadka Waxyeeladu gaartay ka mid ah qof magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay.

Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil 4 sano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo ay isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce.

Weli waxaa soo baxaya xogo dheeraad ah oo ka imanaya goobta uu weerarkan waxashnimada ihi ka dhacay.

Hadalsame Media