Magaalooyinka waawayn ee Maraykanka oo ilaalo gaar ah dhigay masjidyada dalkaasi + Sawirro

0

(New York) 15 Maarso 2019 – Ciidamada booliiska Maraykanka ayaa sare u qaaday heegannada dhanka amaanka ah ee masjidyada Maraykanka kaddib maanta duhurkii lagu qaaday masaajid ku yaalla dalka  New Zealand, kuwaasoo ay ku dhinteen49 qofood.

Magaalada wayn ee New York City, ciidamada gobolkaasi ee NYPD ayaa la arkayaa iyagoo roondooyin ku maraya jidadka soo gala iyo kuwa u dhow masjidyada magaaladaasi, iyagoo adeegsanaya eeyaha qaraxyada uriya, iyagoo kaalmo ugu yaboohay maamullada masaajidyada kahor salaadii subax ee saaka.

Waxaa tillaabooyin noocaas oo kale ah qaaday magaalooyin waawayn oo ku yaalla Maraykanka sida Los Angeles iyo Chicago.

Dad badan ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ku dhaawacmeen, kaddib markii uu saaka weerar ku qaaday masjidka Al Noor iyo mid kale oo u dhow, nin lagu sheegay 28-jir magaciisa la yiraahdo Brenton Tarrant oo Australian ah.

Hadalsame Media