Yaa waqti xaadirkan dalka Soomaaliya ”Madaxwayne” ka ah?!!

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2019 – Waxaa mar qura dalka ka wada maqan MW Soomaaliya Md Maxamed C Farmaajo, Guddoonka Baarlamaanka dhexe iyo guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

Marka ay halkaa taagan tahay waxaad is waydiin kartaa cidda dalka haatan ka Madaxwayne ah?

Waxaa iminka ku sime Madaxwayne ka noqday dalka Soomaaliya Guddoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Md Mahad Cabdalla Cawad.

Cawad oo dalka ka Madaxwaynayn ayaa la sheegay inuu qabanayo howlo badan oo u yaalley Madaxwaynaha dalka, isagoo maantadan booqasho kormeer ah ku tegey Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaaladda Muqdisho, isagoo ciidamada u ballan qaaday in xuquuqdooda loo siin doono si joogto ah.

Madaxweyne Farmaajo oo beryihii dambe safarro badan ku kala bixinayay dalal dibedda ah, ayaa haatan ku sugan dalkaasi Uganda oo uu kaga qayb gelayo shirka Africa Now.

Guddoonka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa isna inta uu Baarlamaanku fasaxan yahay la sheegay inuu kaga faa’iidaysanayo booqasho uu ku tegey Turkiga oo uu qoyskiisu ku nool yahay.

Yeelkeede, waxay markan isku soo beegmeen jeer uu isna dalka ka maqan yahay Guddoon Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka dhexe Md C/weli Muudeey.

Hadalsame Media