DAAWO: ”Ma aha in uu Khayrre cid gaar ah ugu ololeeyo doorashada Jubbaland!” – Xil. Xiddig

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2019 – Xildhibaanka Cabdirashiid Xiddig oo ka tirsan Baarlamanka dhexe ee Somalia ayaa ka hadlay booqashada uu RW Somalia ee Xasan C Khayrre ku marayo magaalada Kismaayo.

Xil. Xiddig ayaa sheegay in waloow uu soo dhowaynayo booqashada RW ee Kismaayo, aan misna loo baahnayn in musharrixiin gaar ihi ay booqashadiisa u adeegsadaan ololohooda.

”Raysal Wasaaruhu waa inuu caddeeeyaa moowqifkiisa iyo moowqifka DF Somalia, waxaana DF uga digayaa inay la safato musharrixiin gaar ah,” ayuu yiri.

Xiddig ayaa sheegay in aan loo baahnayn in madaxda qaranku ay cid gaar ah la saftaan, isagoo weliba soo jeediyay in RW looga baahan yahay in uu caddeeyo mowqifka DF Somalia, kahor inta aanu kasoo laabanin Kismaayo.

Xuquuqda muuqaalka: Universal TV

Hadalsame Media