XOG: Zinedine Zidane oo la sheegayo inuu dib ugu laabanayo Real Madrid (Heshiis la filayo in lagu dhawaaqo)

0

(Madrid) 11 Maarso 2019 – Zinedine Zidane ayaa lagu wadaa inuu kusoo laabto kooxda Real Madrid kaddib 10 bilood markii uu ka maqnaa camaaliqada reer Spanish, sida uu sheegayo khabiirka ciyaaraha Yurub ee Guillem Balague.

Macallinkan French-ga ah ayaa bedelaya Santiago Solari, oo iminka kooxda maamulayey muddo ka yar 5 bilood.

Laacibkii hore ee Real ee Zidane, 46 jir, ayaa kooxda iska tegey bishii Maajo kaddib markii uu u qaaday 3 Champions League oo xiriir ah.

Real ayaa haatan 3-aad uga jirta horyaalka La Liga, waxayna 12 dhibcood ka hooseeysaa Barcelona, iyadoo ay Champions League ka reebtay kooxda Ajax oo guuldarro bahdil ugu gaysatey gurigooda.

Yeelkeede, Tuttosport ayaa qoraya in Zidane uu u dhow yahay kooxda Juventus oo uu weliba iska diidey dalabka Real Madrid.

Hadalsame Media