WARBIXIN: Ilhaan Cumar waxay dhiirragalisay Gabdhaha yar yar ee ku nool xeryaha Qaxootiga Kenya

0

(Nairobi) 11 Maarso 2019 – Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Kenya ayaa hiigsanaya islamarkaana ka dhigtay Ilhan Cumar Rool Moodal ama Tusaale ay ku daysadaan. Ilhaan Cumar ayaa hadda mid ka mid ah wakiillada Aqalka Koongareyska Mareykanka waxayna ka soo jeedaa dalka Soomaaliya.

Ilhan Cumar ayaa iyadoo afar sanno jir ah waxay ka mid ahaan jirtay Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dhadhaab ee xaqootiga Soomaalida ee ku yaala dalka Kenya.

Qaxootiga Soomaaliyeed oo inkastoo tira ahaan ay hoos u dhaceen hadda gaaraya Nus Malyan ayaa wali ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya waxayna la halgamayaan noloshooda. Qaar ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ayaa sheegay inay doonayaan inay gaaraan guul la mid ah tan Ilhaan Cumar.

Qaar kood oo hadlayay maalinta haweenka aduunka ee sideeda Maarso ayaa sheegay in maskaxdooda aysan marnaba ka baxaynin guusha taariikhiga ah ee Ilhaan Cumar ka gaartay nolosha iyagoona sheegay inay ku riyoodaan inay maalin uun gaaraan heerkaasi.

Guusha Ilhaan Cumar waxay dhinac kale niyad jabkii ka qafiifisay boqolaal asaageeda ah oo ka soo jeeda Soomaaliya islamarkaana nolol adag ay ku haysato dalka Kenya gaar ahaan xerada Dhadhaab.

Laakin hadda qaar ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira Dhadhaab ayaa la yaaban sababta dad badan ay ugu mashquulsan yihiin inay niyad jabiyaan Guusha Ilhaan Cumar kadib markii ay wax ka sheegtay dhowaan urur Yuhuuda u dooda oo saameyn xoog leh ku leh Siyaasiinta dalka Maraykanka.

Xaliimo Faarax oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira Dhadhaab ayaa sheegtay in Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu iyagana u necebyahay si la mid ah sida uu u necebyahay Ilhaan Cumar.

Xitaa ma ahan kaliya Soomaalida, ee waxa sidoo kale Ilhaan Cumar ay niyadooda qaadatay oo dhiiragaliye u tahay boqolaal ka tirsan haweenka yar yare ee Suudaan ka soo jeeda kuna jira xerada Dhadhaaab meeshaas oo ah halkii Ilhaan Cumar ay ka bilowday riyadeedii ahayd inay mar Maraykanka ku noolaato.

“Waxaan jeclaan lahaa in maalin uun aan la kulmo Ilhaan,” ayay tiri Amiino Yusuf , oo intaas ku dartay inay ku riyooto Guusha Ilhaan habeen walba.

Hadalsame Media