Boeing oo xaalku ku xun yahay & saamigeeda oo hoos u dhicii ugu xumaa sameeyay muddo 18 sano ah + Sawirro

0
(New York) 11 Maarso 2019 – Shilkii ugu dambeeyay ee Boeing 737 MAX 8 oo ay lahayd Ethiopian Airlines ayaa dhaliyey inuu hoos u dhoco saamiga sharikadda Beeing ilaa 12%, kaddib markii uu furmay suuqa saamiyada ee Wall Street.

Shilkaas oo ay ku qur bexeen 157 qof oo dayuuraddaa saarnaa, ayaa waxaa loo sababaynayaa cillado lasoo dersey dufcadda ugu cusub dayuuradaha Boeing, taasoo dhacday in yar uun kaddib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa Axaddii.

Waa shilkii 2-aad oo laayaan ah oo ay isla noocani ku lug yeelato wax ka yar 5 bilood, waayo waxaa sidan oo kale soo dhacday mid kale oo ah Boeing 737 MAX 8, Oktoobar 29, taasoo ay lahayd Indonesian Lion Air kuna dhacday Java Sea, halkaasoo ay ku dhinteen 189 rakaab ahaa iyo shaqaalihii.

Suuqa saamiyada Wall Street ayay maanta dhulka galeen saamiyada Boeing oo halkii ugu xumayd gaarey tan iyo Sebtember 17 2001, maalmihii xigey qaraxyadii 9/11.

Hadalsame Media