WARBIXIN: Waalidiinta Soomaalida oo carruurtooda kala soo cararaya Ingiriiska kuna soo celinaya Soomaaliya (Sababta)

0

(London) 10 Maarso 2019 – Wargayska The Observer ee ka soo baxa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa daabacay in waalidiinta Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool ay carruurtooda u soo diraan Soomaaliya si ay kaga badbaadaan xasadaha ka dasha darooga iyo fal-dambiyeedyada la xiriira weerarada loo adeegsado Mindiyaha ee ku sii kordhaya Magaalada London.

Wakiilada Jaaliyadda Soomaalida ee waqooyiga London ayaa sheegay in boqolaal carruur ah loo soo diray Soomaaliya iyo Kenya taasoo ka dambeysay walaac laga qabo korarka kiisaska la xiriira weerarada Mindiyaha iyo isticmaalka darooga oo ku batay Magaalooyinka Ingiriirka.

Wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool London ayaa sheegay in wiilashooda ay waydiisteen inay isaga tagaan Ingiriiska maxaayeelay burcada daroogada iyo rabshadaha halista ah ee ku sii kordhaya dalkaasi.

Raaqiya Ismaaciil oo ah kuxigeenka duqa Islington ayaa sheegtay in habka kaliya ee ay caruurtaasi ku badbaadi karaan ay tahay in dib loogu celiyo Soomaaliya, waxayna sheegtay in tallaabooyinkaasi ay ka dhasheen walaaca bulshada Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Waxay sheegtay in labo asbuuc uun kahor ay London ka dhacday in ilmo yar Mindi lagu dilay kuwa kalana la afduubtay kadibna guryahooda lagu soo hor tuuray.

Arrintaan ayaa imaanaysa xili asbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen doodo adag oo ku saabsan sida xal-waara loogu heli karo dhibaatooyinka soo kordhay ee la xiriira weerarada mindiyaha loo adeegsado iyo sidoo kale burcadnimada ka dhalatay isticmaalka daroogada.

Hadalsame Media