Ma Somalia ayaa la noqotay dacwaddii Maxkamadda ICJ? (Jawaab kasoo baxday Maxkamadda)

0

(Hague) 09 Maarso 2019 – 7-dii bishan Maarso, ayaan warqad u diray Xafiiska Waaxda Macluumaadka ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (International Court of Justice ICJ) oo deggan magaalada Hague, Netherland.

Waxay ahayd maalin kaddib markii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmeen magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlayey arrinta khilaafka soohdin badeedka labada dal.

MAXAAN ULA XIRIIRAY?

Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed, shaqadeyduna waa saxafi. Labadaas arrimood waxay i siinayaan xuquuq aan ku raadin karo xogta iyo macluumaadka aan u baahanahay, dadka Soomaaliyeedna u baahan yihiin.

Meesha ugu horreysa ee xogta laga heli lahaa, waxay ahayd Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo laamaha kale ee Dowladda. Nasiib darro, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu inkiray in arrinta badda laga wada hadlay— oo taa beddelkeeda waxay bulshada ku sameeyeen marin habaabin.

Dowladda Kenya way ka aamustay (run iyo been) inay ka hadasho nuxurka wada hadalkii Nairobi, halka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu bixiyay macluumaad aan dhameys ahayn, hase ahaatee caddeyn u ahaa in arrimaha badda Kenya iyo Soomaaliya laga hadlay.

MAXKAMADDA MALALA XIRIIRI KARAA?

Maxkamaddu ma lahan afhayeen. Laakiin waa lala xiriiri karaa. Waxay leedahay waax u gaar ah macluumaad bixinta (Information Department) iyo Waaxda keydinta xogta (Library Department).

Suxufiyiinta waxay xaq u leeyihiin inay la xiriiraan Maxkamadda oo ay macluumaad weydiiyaan, weliba marka arrinta wariyuhu raadinayo arrin khuseysa waddankiisa iyo dadkiisa, waxay Waaxda Macluumaadka ee Maxkamadda siisaa muhimad gaar ah oo ah inay waqti habboon oo dhakhso leh ugu jawaabto. Waxaadna ka garan kartaa waqtiga aan diray su’aalaha iyo muddada ay iigu soo jawaabeen! (FIIRI TAARIIKHDA LABADA DUKUMINTI).

SU’AALIHII AAN WEYDIIYAY IYO JAWAABIHII ICJ:

1) Maxkamadda ICJ ma sii wadeysaa dhageysiga la filayo inay ka yeelato arrinta soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa sannadkan?

2) Ma jiraan wax muujin kara inay Soomaaliya ay ka bexeyso kiiska Maxkamadda duruuf kasta ha keentee illaa hadda?

3) Wax kasta oo kale oo ah macluumaad dheeraad oo la xiriira kiiskan oo ay bulshadu aad u daneyneyso?

(FG: Fadlan tixraax warqadda su’aalahayga ee rasmiga ee ku jirta lifaaqan 1 & 2)).

Su’aasha koowaad waxaan tixraacay go’aankii Maxkamadda ay gaartay Febraayo 2, 2017. Go;aanka halkan ayuu ku jiraa https://www.icj-cij.org/…/case-related/161/161-20170202-JUD…

JAWAABIHII MAXKAMADDA:

JAWAAB 1: Marka ay Maxkamadda jadwaleyso dhegeysi guud, taariikhda waxaa lagu soo gudbiyaa war saxaafadeed, waxaana lagu muujiyaa jadwalka Maxkamadda. Maadaama Maxkamaddu aysan jadwaleyn wax dhageysi ah oo ku saabsan kiiska Soomaaliya iyo Kenya, ma heyno jawaab aan kaa siino su’aashaada koowaad. (TIXRAAC JUMLADDA 2AAD EE JAWAABTA KOOWAAD WARQADDA 3 EE LIFAAQA)

JAWAAB 2: Arrinta ku saabsan su’aashada labaad, Dowladuhu kama bixi karaan kiisas horyalla Maxkamadda. Maxkamadda kaliya ayaa go’aan ka gaarta haddii kiis ku jira galka guud ee Maxkamadda laga saarayo iyo haddii kale (kaddib marka lala gaaro heshiis Dhinacyada). Haddiise ay taasi dhacdo, Maxkamadda waxay soo saareysaa war saxaafadeed ay dadweynaha ugu sheegeyso in kiiskaasi laga saaray Galka Guud, taasoo illaa hadda aan ku dhicin kiiska Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamaddu ma lahan Afhayeen. Waxaanse aad kuugu mahadnaqeynaa haddii aad macluumaadkan u adeegsato xog dadban ahaan (Background Information) oo aadan xiganin si toos ah Qeybta Macluumaadka.

Waxaanu rajeynaynaa inay tani ku filan tahay weydiimahaaga, waxaana markale kaaga mahadcelinaynaa daneynta aad daneyneyso Maxkamadda.

AFEEF: Sida ku cad jawaabta 2aad, waxaa xogtan loo adeegsan karaa si guud (Maxkamadda) ee loomaa deegsan karo xigasho toos ah oo xafiiska xogta bixiyay muujineysa.

HAGE: Labada warqadood ee hore waa kuwii aan anigu diray. Labada dambena waa jawaabaha. Labada dukuminti waxaan ka jaray, ama tirtiray aqoonsiga emailada iyo telefoonada.

Waxaa Diyaariyay: Cabdalle Axmed Muumin

Hadalsame Media