Faahfaahin ku saabsan howlgallo habeen dheelmad ah oo laga fuliyay deegaano dhowr ah oo Al-Shabaab maamulayeen

0

(Afgooye) 10 Maarso 2019 – Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen howlgallo deegaano Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya oo kaashanayay saxiibadooda taageeraya ay howlgalladii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen Gobolka ay ku guuleysteen inay bur buriyaan xarumo ay lahaayeen ururka Al-shabaab sida uu yiri.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay sidoo kale weeraro cir iyo dhul ah ay ku qaadeen goobo Ururka Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen deegaanada, Awdheegle, Bariira, Janaale, Tuulada Dacare iyo Kuunya Barrow.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladaan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo diyaarinayay sida uu yiri, sidoo kalena la bur buriyey xarumo ay gaadiidka lacag uga qaadi jireen.

Ururka Al-Shabaab oo aan inta badan ka hadlin weerarada joogtada ah ee lala beegsado ayaysan jirin wax faafaahin oo dhankooda ka soo baxaya kuna aadan weeraradaan ugu dambeeyay ee la sheegayo in iyaga lala eegtay.

Hadalsame Media