DEG DEG: Dayuurad ay leedahay Ethiopian Airlines oo burburtay

0

(Addis Abeba) 10 Maarso 2019 – Duullimaad ay samaynaysay Ethiopian Airlines oo u kala gooshayey Addis Ababa iyo Nairobi, ayaa burburay, sida uu xaqiijiyey xafiiska RW Itoobiya.

“Xafiiska RW, oo ku hadlaya codka dowladda iyo dadka Itoobiya, wuxuu jeclaan lahaa inuu soo bandhigo tacsida ugu qotada dheer, gaar mid ku jeedda dadka ay eheladoodii ku dhinteen shilka dayuuradda Ethiopian Airlines Boeing 737 oo saaka samaynaysay duullimaad joogto ah oo isku xira Addis iyo,” ayaa lagu qoray war kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed oo la dhigay Twitter.

Sababta iyo goobta shilka, tirada rakaabkii saarnaa dayuuradda iyo inta dhimatay ayaan weli war saaxi ah laga haynin.

Afhayeen u hadlay dayuuraddan oo ay gebi ahaanba wada leedahay dowladda Itoobiya ayaa siddey 149 rakaab ah iyo 8 shaqaale ah, markii ay dhacaysey.

“Waxaa la xaqiijiyey inuu shilku dhacay 8:44 (am),” ayuu yiri afhayeenka oo aan magaciisa sheegin.

Dayuuradda ayaa gegada Bole International Airport ka duushay saacadda maxalliga ah 8:38am (06:38 GMT) waxaana “markiiba lumay xiriirkeedii” 6 daqiiqo uun kaddib meel u dhow Bishoftu (Debre Zeit), oo ah magaalo 60km koonfur bari kaga toosan Addis Ababa dhanka jidka.

Dayuuraddan oo ah nooca Boeing 737-800MAX waxay la mid tahay dayuuraddii Indonesian Lion Air ee dhacday bishii Oktoobar, 13 daqiiqo uun kaddib markii ay ka duushay Jakarta, taasoo ay ku dhinteen 189 qof oo saarnaa.

Yeelkeede, shilkii ugu dambeeyay ee ay soo mara Ethiopian Airlines wuxuu ahaa mid qabsaday Boeing 737-800 taasoo qaraxdey markii ay ka duushay Libnaan sanaddii 2010, taasoo ay ku dhinteen dhamaan 83 rakaab ahaa iyo 7 shaqaale ahaa.

Hadalsame Media