”Dayuurad ha raacin 6-da Abriil!” – Halis caalami ah oo laga digey!

0

(San Francisco, CA) 10 Maarso 2019 – Hannaanka loo yaqaanno GPS (Global Positioning System) oo daabadaha socda ka caawiya inay meeleeyaan halka ay u socdaan ayaa laga yaabaa inuu isku dhex yaaco horraanta bisha soo aaddan, sida ay ka digeen khubaro dhanka amaanka ah.

Khabiir ka qayb galay shirka amaanka ee RSA 2019 oo todobaadkan lagu qabtay magaalada San Francisco ayaa saadaaliyey in uu dhici karo khalad kombiyuutar oo la xiriira shin-tiriska 6-da Abriil, oo ah xilli ay ka harsan tahay wax bil ka yar.

Khaladkan oo lagu sheegay mid la mid ah midkii Y2K ayaa saamayn kara GPS-yadii hore, gaar ahaan haddii uu eber ku noqdo tiro ahaan, taasoo ay ugu wacan tahay iyaga oo cimri dhamaystay.

Saadaasha khaladka Y2K, ayaa ahaa mid horay loo sameeyay 1999-kii, markaasoo laga digey inay damayaan kombiyuutarrada caalamku, balse maanta dunidu aad bay ugu tiirsan tahay aaladdan marka loo eego xilligaasi.

Bill Malik, oo ah madaxwayne xigeenka Trend Micro, oo ah sharikad ka shaqeeysa amaanka interner-ka iyo difaaca ayaa Tom’s Guide u sheegay in uusan duulaynin 6-da Abriil.

‘Saamayntu aad bay maanta u ballaaranaysaa, waayo habab badan ayaa GPS ku shaqeeya. Xitaa dekedaha wax u dejiya ama u rara si otomaatik ah, waxay GPS u adeegsadaan inuu hago wiishahkas.’ ayuu yiri Malik.

Hadalsame Media