Somalia oo warqad ashtako ah oo Kenya ka dhan ah QM gaarsiisey

0

(New York, NY) 07 Maarso 2019 – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ururkaasi u gudbiyey qoraal ashtako ah oo uu ku beeninayo sheegashada Kenya ee ah inay Soomaaliya ”xaraasheyso” dhul badeed ay Kenya sheeganayso inay iyadu leedahay.

Qoraalkan ay Somalia u gudbisay QM ayaa ku taariikhaysan 5-tii bishan Maarso 2019 oo ku beegan isla maalintii uu Madaxweyne Farmaajo booqashada ku tegayay magaalada Addis Ababa ee dalka Kenya.

“Dowlada Soomaaliya marnaba ma iibgeyn mana xaraashin dhul badeed aysan lahayn waxayna dowlada Soomaaliya ka dhur sugeysaa natiijada ka soo baxda dacwada hortaal Maxkamada Cadaaladda Caalamiga ah ee IC.” ayay tiri Somalia.

Somalia ayaa sidoo kale QM u caddaysay inay Kenya u sharraxday in aanu jirin dhul ay xaraashtay ama iib gaysey 25-kii bishii ina dhaaftay ee Febraayo.

Go’aanka Maxkamadda ICJ ayaa lagu wadaa inuu soo boxo 2020-ka, waxayna Kenya doonaysaa in arrinta xaal mastuur lagu dhameeyo, iyadoo 16-kii bishii Febraayo dalkeeda ka cayrisey Danjirihii Somalia isla markaana hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

MW Somalia oo booqday magaalada Nairobi ayaa sida la sheegay aan ogolaanin dalab ay Kenya ku hollinaysey in khilaafka arrintan ka dhashay diblomaasiyad lagu dhameeyo.

Kenya ayaa warqado iyaguna ashtako ah horay ugu kala dirtay QM, Midowga Afrika iyo dalal kale, iyadoo ka raaridaysa inay Somalia gayigeeda kusoo xad gudubtey, taasoo ayayna u egtahay inay keentay inay Somalia iyaduna tillaabadan qaaddo.

Hadalsame Media