“SHEEKADU MA KOW IYO KUN HABEEN MID SOCOTAA?!!

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2019 – Madaxdii dalka Wasiir ilaa Agaasime waaxeed hadii ay Jidadka soogala guryahooda biro iyo dhexgaan ku gooyeen, marka ay qaraab tagayaana ay gawaarida rasaasta celisa (Pullet Proof ah) iyo 10 Ma liibanayaal ah cadceedda ka Xigsadaan, Ciidankii dowladda ee amniga sugi lahaana ay biro iyo dhagxaan isku wareejiyeen oo ha ii soo dhawaan ay shacabkii ku leeyihiin, Toloow Madaxda dowlada iyo Ciidankeedu ma dad xero qaxooti ku jiraa?

Tankale , Madaxda & Ciidamada AMISOM iyo Madaxda & Ciidamada DFS, hadii ay kuwaasina Degan yihiin xeyndaab aan loo soo gudbi karin, markeey magaalada marayaana ay hub iyo gawaari qufulan wadooyinka ku maraan, kuwa Dowladuna ay sidaas oo kale ay sameeyeen oo meelaha ay degan yihiin xeyndaab ku xirteen magaaladana ciidan & hub iyo gawaari qufulan ku maraan? Maxey ku kala duwan yihiin labadaas dhinac yaase iska leh dalkaan oo ay iska waardiyeynayaan, ama yaa laga rabaa in uu muujiyo dareen gaar ah oo uu kaga duwan yahay kan Ajnabiga ah.?

Kaaga darane labadoodaba waxey kooxaha Mucaaradku ku ugaarsanayaan shacabka dhexdiisa?

Madaxdeenuna marna isma weydiiso masuuliyada ah Maxaa shacabkaan masaakiinta ah ee aad madaxda u tihiin maalin walba la idinkugu hoos xasuuqayaa?

Malaha waabey la qabsadeen, waayoo dambiga dhacay cidna looma ciqaabo, qorshe iyo qaab kalena lalama yimaado. Birina waa halkeedii iyo baroor joogta ah.

Hadii marka talo iyo run la rabo dowladdu 2-daan qodob ha sameyso…..LA SOCO QORMADA LABAAD.

FG:- Waan ka tacsiyeynayaa waana ka xumahay dadkii shacabka ahaa ee wax ku noqday labadii qarax ee maanta ka kala dhacay Xaawo taako iyo Weydoow .

MAXAA YAAB ISDABA YAAL.!!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media