Wax ka ogow kulanka RW Kheyre iyo Danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya

0

(Muqdisho) 06 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladdaha sida weyn saameynta ugu leh arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka iyadoona Soomaaliya siisa taageero dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ku saabsan.

Ingriiska ayaa Safaarad ku leh Magaalada Muqdisho inkastoo ay ku taallo xarunta Xalane oo ah goob Millatari oo si aad ah loo illaaliyo islamarkaana ay ku yaalaan safarado dhowr ah oo laga leeyahay qaar ak mid ah dalalka Reer Galbeedka.

Hadalsame Media