Shir ku saabsan wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha oo ka dhacay Garowe + Sawirro

0

(Garowe) 06 Maarso 2019 – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ee Soomaaliya Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Hay’adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee HADMA.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda Hay’ada Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland, kuwaas oo soo bandhigay Abaarihii dhacay sanadihii danbe iyo saamaynta ay ku yeesheen deegaanada Puntland.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Hadalsame Media