RASMI: Qatar Airways oo ku dhawaaqday inay bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay Muqdisho ku tegeyso (Daawo)

0

(Dooxa) 06 Maarso 2019 – Diyaaraha Qatar Airways ayaa si iminka si rasmi ah u caddaysay inay bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.

Maalinta uu duullimaadkani bilaabmayo ayaa lagu beegay maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Somalia ee 1-da Luulyo, taasoo ah 1-da Luulyo 2019. Sharikadda ayaa maanta ku dhawaaqday in Muqdisho oo marka hore todobaadkii 3 jeer tegi doonto ay ka mid tahay ilaa 5 meelood oo cusub oo kusoo kordhaya duullimaadyada Qatar Airways.

Duullimaadkan ayaa horay loogu ballan qaaday kulan magaalada Dooxa ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxa Shirkada Qatar Akbar Al Baker.

Hadalsame Media