Kenya & Somalia oo isku afgaran waayay in xaal mastuur lagu dhameeyo ”doodda” badda, Business Daily

0

(Nairobi) 07 Maarso 2019 – Kenya ayaa shalay ku guul darraysatay in ay Somalia ka dhaadhiciso in dacwadda badda xaal mastuur lagu dhameeyo, kaddib kulan dhex maraya madaxda labada dal oo uu isu keenay RW Abiy Ahmed, sida lagu qoray Business Daily.

Dibloomaasi Soomaali ah ayaa Business Daily, u sheegay in ay Somalia ku go’do go’aanka laga sugayo Maxkamadda International Court of Justice (ICJ) oo dacwaddan ay Somalia hor geeysey 2014, laguna wado inay garta gooyso dabayaaqada sanadkan.

Dowladda Kenya ayaan inta badan wax war ah oo badan ka oranin kulanka labada madaxwayne, waxaana in aanu heshiis dhicin u daliil ah in aanu jirin war murtimeed lasoo wada saaray kulankan oo ay albaabadu u xirnaayeen, sida uu wargaysku ku doodayo.

Kulankan ayaa se la sheegay in lagu caadiyeeyay xiriirka labada dal oo xumaaday Febraayo 16 markii ay Kenya si halhaleel ah dalkeeda uga cayrisey danjirihii Somalia, iyadoo keediina uga yeeratey Muqdisho, iyadoo ku doodaysa inay Somalia ”xaraashtay” dhul badeed ay iyadu leedahay oo ku yaalla halka ay labada dal iska galaan dhanka Badwaynta Hindiya, kaasoo ah dhul ka badan 100,000 oo km.

Hadalsame Media