”In Netanyahu & DULMI laga soo horjeesto kama dhigna Yuhuud Nacayb” – Ilhaan Cumar oo is difaacdey jeer ay weerarro haystaan!

0

(Washington, DC) 04 Maarso 2019 – Wakiilka Minnesota ee Koongarayska Ilhaan Cumar oo weerarro siyaasadeed iyo kuwo heer bulsho ah la kulmaysa kaddib markii ay dhaliishay habdhaqanka Israel iyo ururka qalqaalada ka shaqeeya ee AIPAC ayaa arrimahaasi markale ka jawaabtey.

”In laga soo horjeesto Netanyahu iyo haysiga (Falastiin) kama dhigna Yuhuud Nacayb. Waxaan abaal u hayaa Yuhuud badan oo olog ah oo u hadlay sida aan qabo.” ayay kusoo qortay barteeda Facebook.

”Waa in aanu doonnaa la dagaallanka nacaybka iyo dulmiga nooc kasta oo ay yihiin. Waxaan ku dadaali doonaa inaan taa kasoo dhalaalo, waxaana rajaynayaa inay saaxiibadeey igu dayan doonaan.” ayay raacisay.


Ilhaan iyo Nita Lowey oo laga soo doorto New York kana tirsan isla Xisbiga Dimoqraadiga ayaa la arkayay iyagoo todobaad dhamaadkii isku tuur tuuraya hadallo arrintan ku saabsan, iyadoo ay Ms Lowey arrinta gaarsiiyey heer ay Ilhaan ku eedeeyso inay ”muuqaal xumeeynayso” xiriirka Israel iyo Maraykanka, balse Ilhaan ayaa sheegtay inaysan muuqaal xumaynayn balse ay dood ka qabto hab-dhaqankeeda.

Yeelkeede, Nita Lowey ayaa markale la arkayay iyadoo difaacaysa isla Ilhaan Cumar oo ay koox xag-jir ah oo la yiraahdo Act For America ay sawirkeeda la xiriiriyeen weerarradii 11-kii Sebtembar ka dhacay Maraykanka oo lagu eedeeyay Alqaacidda.


Hadalsame Media