DAAWO: Wiil naqshadeeyay ”dayuurad nooca guuxeeda ka dheeraysa ah” + Sawirro

0

(Cadaado) 04 Maarso 2019 – Wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ku soo bandhigay muuqaal ay dad badani ka maqsuudeen.

Wiilkan yar ayaa dhisay wax u qaab eg dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee ay Soomaalidu miigga u taqaanno, kaasoo caadi dhulka ugu soconaya.

Waloow aysan ”dayuuraddani” aanay farsamo ahaan weli u dhowayn mid si saaxi ah u shaqayn karta, misna waxaa wiilka dhallinyarada ah lagu amaani karaa hanka iyo hiraalka ku jira, iyadoo haddii fikirkiisa lagu daro aqoon iyo khibrad ay dhici karto inuu wax soo saaro.

”Dayuuraddan” oo elektaroonig ku shaqaysa sidoo kalena remote laga maamuli karo ayuu culayskeedu yahay 65kg, dhererkoodu waa 3 mitir, ballaceeduna waa 1.80 cm, ayaa lagu diyaariyay muddo 2 bilood ah, sida uu sheegay muhandiska horseedka ka ah howshan Axmed Cumar Sahal oo sheegay inay rajaynayaan inay mar uun duuliyaan.

Hoos ka daawo muuqaalka warbixin ay ka samaysay idaacadda Universal TV.

Hadalsame Media