DAAWO: Hindiya oo xarigga ka jartay wershad farsamaysa Aakaha ugu casrisan dunida

0

(Amethi) 04 Maarso 2019 – RW Hindiya ee Narendra Modi ayaa xarigga ka jaray wershad farsameeysa qoriga Kalashnikov ee ay Soomaalidu u taqaan Aakaha, taasoo lagu wado in lagu farsameeyo nooca cusub ee AK-203 oo ka mid ah dufcadaha ugu dambeeya, si ay ciidamada dalkaasi ugu bedelaan kaydkooda daxalaystey.

Wershaddan oo laga dhisay gobolka woqooyi bari ee Uttar Pradesh, waxaa shalay albaabada u furay Modi iyo saraakiil sare oo ciidan oo shalay joogey magaalada Amethi.

Modi oo sheegay inay hubkan kula dagaallami doonaan argagixisada iyo gooni u goosadka ayaa sidoo kale aad u amaanay “saaxiibkii Vladimir Putin,” sida uu yiri isagoo tilmaamay inay kaalmadiisa ku suuragashay wershaddani.

Wuxuu kaloo sheegay inay wershaddani caawinayso aqoonta farsamo ee wax soo saarka dhanka hubka maxalliga ah ee Hindiya isla markaana ay shaqooyin abuureeyso.


HALKAN HOOSE KA ARAG NOOCA LAGU SAMEEYNAYO…

Hadalsame Media