AC Milan oo lagu xoojinayo laacibiin muhim ah haddii ay usoo baxdo CL (Arag qorshaha maamulka)

0

(Milano) 04 Maarso 2019 – Cidna kama qarsoona in AC Milan ayaa fasalka xiga bartilmaameedsanayso usoo bixitaanka Champions League, haddii ay taasi dhacdana milkiilayaasha kooxdaasi ee Elliott Management ayaa lacag badan la diyaar ah si ay u xoojiyaan safka iyo kaydka Rossoneri oo muddo ka maqan masraxyada ugu mudan kubadda cagta.

Sida uu saaka qorayo warqaadka Tuttosport, kooxda via Aldo Rossi ayaa maanka ku haysa qorshe cad oo ay kusii xoojinayso kooxda oo sidii hore iminka aad u dhaanta, balse ay weli wax ka dhiman yihiin.

WADA IIBSIGA BAKAYOKO – Tillaabada 1-aad waa wada iibsiga Tiemoué Bakayoko: si ay u qaadato khadka dhexe ee French-ga ah waa in Chelsea loo shubaa 38 milyan oo euro, haddii aan qiime dhimis loo ogolaanin maadaama uu laacibku caddeeyay inuu doonayo sii joogista Milanello.

Waxaa xigi doonta in kooxda la keeno laba laacib oo garabyada ka weerartami kara oo siyaabo kala duwan loo adeegsan karo marka shaxda la gedgedinayo sababo dhanka taatikada ah dartood, waxaana kuwaa ka mid ah Allan Saint-Maximin oo Nice u dheela iyo Everton oo Gremio u safta.

RIYADA DHEXE – Balse Elliott intaa kuma eka oo waxay doonaysaa inay Gattuso siiso laacib sare u dhigi kara tayada farsamo ee kooxda Milan: riyadu waa Sergej Milinkovic-Savic, kaasoo ay isla Milan xagaagii ku waydey 120m oo euro, balse haatan lagu heli karo 60-80 milyan oo euro. 

Waxaa sidoo kale yara adag in lala macaamilo milkiilaha Lazio ee Claudio Lotito, balse waxaa sidoo kale adkaan doonta inay Buluug Cireedyadu sii haystaan laacibkan Serbian-ka ah ee khadka dhexe sanadkan kaddib.

Milan ayaa sidoo kale doonaysa laacibka 23-jirka ah ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sassuolo ee Stefano Sensi.

Hadalsame Media