WAR CUSUB: Turkiga oo sameeyay daroon ”aqoonsanaya” bartilmaameedka uu beegsanayo!

0

(Ankara) 03 Maarso 2019 – Turkiga ayaa farsameeyay Daroonno ay sheegeen inuu ku xiran yahay barnaamij cusub oo software ah oo ”bar garan kara argagixisada”, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dlakaasi Süleyman Soylu.

“Qalabkan cusub ee ku xiran daroonnadeennu wuxuu keeni doonaa in iyaga [argagixisadu] aysan hadda kaddib buuraha ku dhuuman doonin wixii ka bilowda bartamaha Maajo, dunida dhami waxay ka sheekayn doontaa qalabkan,” ayuu yiri Soylu oo saxaafadda mar dhowayd kula hadlayay Ankara.

Turkiga ayaa la dagaallamaya kooxda PKK oo liiska argagixisada ugu jirta iyo kooxo kale, kuwaasoo uu wasiirku sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku biireen 294 qof, halka ay kasoo goosteen 800, sida uu yiri.

Agabkan cusub ayaan tafaasiil dheeri ah laga bixin, balse wuxuu wasiirku sheegay inuu yahay mid shiish ahaan aad u saxan, isla markaana garan kara haybta bartilmaameedkiisa.

Hadalsame Media