”Khaarajiya Ilhaan” – Ilhaan Cumar oo si cad loogu hanjabey & LABA-WEJIILENIMO arrinteeda lagu wajahayo!

0

(Washington, DC) 03 Maarso 2019 – Maamulka Gobolka West Virginia ayaa Jimcihii ogolaaday in urur Islaamka necebi uu halkaa kusoo bandhigo boodh wayn oo bartilmaameedsanaya wakiilka Minnesota ee Ilhan Omar (D-MN), oo ka mid ah labada haween ah ee Muslim ah ee ku jira Aqalka Wakiillada ee Koongarayska.

Kooxdan oo lagu magacaabo Act For America — oo ah koox aad ugu fogaatey Islaam nacaybka — ayaa boostarkan gabadha lagu maagayo dhigtay bannaanka aqalka heer gobol si loogu daro xuska maalinta xisbiga Jamhuuriga.


Sawirka ayaa muujinaya Ilhaan Cumar oo la dul suray daarihii Ganacsiga Adduunka ee World Trade Center ee la dumiyey waxaana lagu qoray, “‘Marna ma ilaawin’” — Baad tiri.. Aniga ayaa se caddayn u ah inaad iloowdey.”

Act for America ayaa sidoo kale qaybisay qoraallo ka dhan ah Muslimiinta oo ay ku jiraan kuwo ay sheegayaan inay uga hor jeedaan wax ay ku sheegeen ’Islaamiyaynta Iskuullada Ameerika.”

Weerarkan ayaa ahaa kii labaad ee maalin qura (Jimcihii) lala beegsado Ilhaan Cumar, waayo isla Jimcahaas waxay Ilhaan Twitter soo dhigtay qoraal buufis ahaa oo u dhignaa “Khaaraji Ilhan Omar” oo lagu qoray kaalin ay shidaalka ka qaadato.


Tan ugu yaabka badanise waxay tahay sida ay sheegeen Ilhaan iyo asxaab kale oo ay qaarkood Koongarayska ku jiraan sida gabadha Alexandria Ocasio-Cortez (D-NY) in todobaadyo kahor Ilhaan si kal iyo laab ah loogu cambaareeyay war caadi ah oo ay ururka AIPAC ku dhaliishay oo loo fasiray ”Yuhuud Nacayb”, balse markan oo iyada la beegsanay laga aamusan yahay cunsuriyadda iyo faquuqa furan ee aan geedna loogu gabban ee iyada ka dhanka ah.


“[Aragtidayda] Kuwii todobaaydo yar kahor u taagnaa inay ka hor jeedaan Yuhuud Nacaybka, waa inay Islaam Nacaybkaanna wax ka yiraahdaan.” ayay tiri Cortez, iyadoo ay arrintani muujinayso in kooxaha xag-jirka ah ee Maraykanka lagu jiheeyay Ilhaan Cumar.


Hadalsame Media