Qaramada Midoobay iyo Turkiga oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay Muqdisho ee lagu laayay dadka shacabka ah

0

(New York) 02 Maarso 2019 – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa cambaareeyay weerarkii ururka Al-qaacida faraciisa Soomaaliya ay ku dileen dad shacab ah,kaasi oo ka dhacay goobo ganacsi oo shacab ah ay lahaayeen kuna yaala Magaalada Muqdisho.

Antonio Gutters  ayaa uga tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan,wuxuuna muujiyay sida QM ay uga xuntahay falalkasi foosha xun.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladad Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana aanay nabadda Soomaaliya iyo horumarkeeda waxba u dhimi doonin dhacdooyinka oo kale.

Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi oo lagu waxyeeleeyey shacab aan waxba galabsan,waxaana qoraal wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Turkigu ay soo saartay loogu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi.

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa muujisay sida ay markasta u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaliya dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Muqdisho,waxaana ay u rajeeyeen dadkii dhaawacyada soo gaaray in ay helana caafimaad deg deg ah.

Hadalsame Media